639 Views

Qoor Qoor oo xalay khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee Galmudug oo ka hadlay Doorashada

Qoor Qoor oo xalay khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee Galmudug oo ka hadlay Doorashada
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)  oo xalay khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee maamulkaasi ayaa soo hadal-qaaday doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, kadib markii si aad ah loo dhaliilay qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in doorashada dalka ka billaabatay ay ku timid heshiis, isla-markaana ay tahay mid dadban oo sidii loogu talagalay ku socoto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la’isku dul-qaato, isla-markaana la taageero cidda ku soo baxda doorashada.

“Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aaan u socono.” Ayuu yiri Qoor Qoor.

https://d61a8b060765adc6188b7a2cc7bb727e.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi sii raaciyey “Adeer qofkasta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan leenahay u dulqaado dalka doorashada uu ku heshiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xumaanta waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa,”.

Sidoo kale Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maamullada Galmudug iyo Puntland lagu dhaliilay doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamulladaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post