1107 Views

SAWIRO:-RW Kheyre oo guddoomiyey Shir looga hadlayay Arrimaha deyn cafinta

SAWIRO:-RW Kheyre oo guddoomiyey Shir looga hadlayay Arrimaha deyn cafinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya,kaas oo todobaadkiiba mar ka qabsooma Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga oo Ra’iisul Wasaaraha uu warbixin ka siiyay shirkii uu uga qyeb-galay Magaalada Addisa Ababa ee dalka Itoobiya.

 

“ Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri “Wasiir Beyle.

 

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirka inay  ka go’an tahay fulinta iyo hore u sii wadida wax walbo oo lagu gaarayo cafinta deymaha lagu lee yahay Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasaaradda Maaliyadda uga mahad celiyay dadaalka ay u gashay sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya,isaga oo kula dardaarmay in qorshahaas ay sii lab jibaaraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment