1176 Views

Doorashada Dalka Nigeria Oo Dib U Dhaca Kutimid

Doorashada Dalka Nigeria Oo Dib U Dhaca Kutimid
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 16, 2019Guddiga madaxa bannan ee doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay dib u dhacaasi uu yimid saacado ka hor, iyadoo lagu waday in maanta oo Sabti ah ay furmaan goobaha codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiggaasi Mahmood Yakubu ayaa sheegay in tallaabadaasi loo qaaday arrimo la xiriira dhibaatooyin dhinaca saadka ah iyo diyaar garowga, isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay go’aan adag oo lagu xaqiijiyo doorasho xor iyo xallaal ah.

Doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaan ee dib u dhacay ayaa la qorsheeyay in mar kale la qabto 23-ka bishaan ee February, halka kuwa lagu dooranaayo Barasaabada Gobolada iyo golayaasha Federaalka ah iyagana dib loo dhigay illaa 9-ka March.

Labada xisbi ee mucaaradka APC iyo kan PDP ayaa cambaareeyay dib u dhaca doorashooyinkaasi,waxayna ku tilmaameen in looga gol leeyahay in lagu maamusho codadka dadweynaha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment