1227 Views

Shirka wada-tashiga Siyaasadda Waxbarashada oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirka wada-tashiga Siyaasadda Waxbarashada oo ka furmay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________



khamiis: November 18, 2021

 Shirka wada-tashiga siyaasada Waxbarashada xaaladaha degdega ah ee dalka ayaa maanta ka furmay mahaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wata-tashiga oo soconaya muddo labo cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshahe Istiraatijiyadeed oo looga baaraan dagayo si loo meeel dhigo wax walba oo la xiriira Xaaladaha degdega ah ee Waxbarashada, iyadoo ay ka qeyb galayaan hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug, bahda Waxbarashada iyo Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradaha Waxbarashada Galmudug iyo tan Federaalka oo gacan weyn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka lagu diyaarinayo siyaasadan qaranka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Axmed Nuur Cusmaan Cali oo ka waramey marxaladaha siyaasadan diyaarinteedu marayaan ayaa kula dardaarmey bahda reer Galmudug ee fursada u heshay in ay ka qayb galaan wax ku biirintan loo tagayo dhamaan dowlad Goboleedyada in ay la yimaadaan aragtiyo wax ku ool ah si loo helo isbadal dhab ah oo saameyn ku yeesha qorista Istiraatijiyadan Qaran.

Gunaanadkan wadatashigan ayaa la filayaa in laga uruuriyo ka qayb galayaasha dhamaanba soo jeedintooda oo si guud loogu biirin doono wadatashiyada laga sameynayo guud ahaan dowlad Goboleedyada Dalka, taasoo wax ku daris iyo ka dhimisba u noqon doonta dhameystirka qabyo qoraalka siyaasadan Qaran ee Waxbarashada Xaaladaha degdega ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post