960 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Wafdi ka socdo Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) oo ay hogaaminayso Kumishineer Khadiija Cosoble Cali ayaa maanta oo taarikhdu tahay 23/02/2020 gaaray Magaala madaxda Dawlad Goboleedka Hir-Shabeele ee Jawhar.

 

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa kumishineero, lataliyayaal, agaasimayaal iyo hawl wadeeno. Ujeedada socdaalkaan ayaa ku qotonto wacyigelin iyo warsiin la xariira arimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacaan sanadka 2020-2021.

 

 

 

Guddiga ayaa go’aamiyay in wacyigalin iyo warsiin laxariirta arimaha doorashooyinka lagaarsiiyo muwaadiniinta soomaaliyeed ee kunool Dalka gudihiisa, waxa uuna Guddigu socdaalo khuseeya howlahaan wacyigalinta horay ugu tagay Dowlad Goboleedyada Koonfurgalbeed iyo Galmudug, hadana waxa uu Guddigu soogaray Magaalada Jowhar si qaybaha kala duwan ee Bulshada loogu wacyigaliyo muhiimada doorashada iyo wixii u qabsoomay Guddiga inta uu howlahaan ku guda jiray.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment