1386 Views

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Nairobi, Nofeembar 27, 2018 –Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Geelle Maxamuud ayaa kulanka uu xafiiskiisa kula qaatay safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti waxa ay  kaga wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta dhaqaalaha Dalka, iyadoo safiirku uu kormeeray qeybta Telefishinka Qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay waxaa kaloo ay kawada hadleen shirka Jamamacada Carabta oo dhici doono 17.iyo 18. bisha soo socota ee December ee kala fadhiga 151 ee Jaamacada Carabta  waxaana lagu wadaa in Soomaaliya ay shir guddoon ka noqoto.

Danjire Al-Xuwayti ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta waxa uu bogaadiyay Xariirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxa uu ku amaaanay Madaxda Wasaaradda sida dhallinyaradu ay ugu dhiibtay xilalka Wasaaradda.

“Waxaan kala hadlay Shirka Jaaamacadda Carabta ee kalfadhiga 151 aad oo lagu wado in Soomaaliya ay shir guddoon ka noqoto, waxaana u dhacayaa 17-18 bisha soo socoto ee December iyo xariirka wanagsan ee ka dhaxeeyay Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya”ayuu yiri Danjire Al-Xuwayti.

Wasiir Daahir Geelle ayaa ku bogaadiyay Jaamacadda Carabta Garab istaaga waqtigii adkaa ee Soomaaliya soo maray iyo dib u kabashada Dalka Hada uu ku jiro.

“Jaamacadda Carabta waxaan kaga mahadcelinaynaa garabistaaga waqtigii adkaa ee nasoo maray iyo dib u kabashada hadda aan ku jirno, wuxuu booqday howlaha ka socda Wasaardda anagana waxaan jecelnahay si walaatinimo iyo saaxiibtinimo ay ku jirto aan usii xoojino xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta ka dhexeeya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment