789 Views

Sidee ayay Shabaabka iyo ururada kale u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn?

Sidee ayay Shabaabka iyo ururada kale u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn?
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

 Weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee droniska ee dhawaan lagu qaaday guriga rai’sul wasaaraha Ciraaq ayaa waxaa uu keenay dood ku saabsan halista arrintan.

Waxaa khubarada arrimahan ku taqasusay ay si gaar ah farta ugu fiiqeen suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ay adeegsadaan diyaaradan Dronis-ka.

Daraasad uu milatariga Mareykanka taageeray oo bishii Febraayo la daabacay oo cinwaan looga dhigay, Doorka Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Weerarada Argagixiso ee Mustaqbalka ayaa arrintani si faahfaahsan looga hadlay.

Warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda la baxday dowladda Islaamka ay markii ugu horreysay ay ku guulaysateen adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyaga oo u adeegsaday u jeedooyiin argagixiso.

Warbixin uu qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay, “Bishii Agoosto 2014, kooxda argagixisada ah ee la baxay dowladda Islaamiga ah waxay bilaabeen inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u ururiyaan xogta goobaha dagaalka iyo inay diiwaangeliyaan saamaynta qaraxyada ismiidaaminta ah.”

Horaantii sanadkii 2013, Al-Qaacida waxa ay isku dayeen inay weerar ka fuliyaan Pakistaan iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, balse kuma aysan guuleysan.

Laga soo bilaabo 2016-kii, kooxda la baxday dawladda Islaamka waxay weerarada loo adeegsado Droniska ay ka dhigeen kuwa joogta ah hawlgallada ay ka wadeen Ciraaq iyo Suuriya.

Khatarta ayaa sanaddii 2019-kii, noqotay mid dhab ah ka dib markii madaxa Amniga Midowga Yurub Julian King uu ka digay in magaalooyinka Yurub ay bartilmaameedsan karaan kooxaha argagixisada ah ee adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka.

Kooxda IS ayaa la sheegay in xilligii ay ka dagaalamayeen Ciraaq iyo Suuriya ay diyaaradaha dronis-ka nooca aan loogu talagalin militariga ay adeegsanayeen iyaga oo qaraxyo ku rakibaya ka dib-na goobo muhiim ah la bartilmaameedsanaya.

Marka laga soo tago Dawladda Islaamka, ururka Hezbollah – oo ka hawlgala Lubnaan, fallaagada Xuutiyiinta, Taliban iyo dhawr ka mid ah kooxaha argagixisada lagu tilmaamo ee ka howlgala Pakistan ayaa la ogaaday inay falal argagixisanimo u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Halkee ayay kooxaha xagjirka ku bartilmaameedsan karaan droni-ska ?

Sanadkii 2017, waxaa dhacay weerar si weyn loo hadal hayay oo Daacish ay tiro badan oo walxaha qarxa ah ku tuurtay fariisimaha ciidamada Suuriya iyo goobaha hubka la dhigto iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

2017, Agaasimahii FBI-da Christopher Wray ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka dhigan yihiin khatar argagixiso oo ku soo fool leh magaalooyinka Mareykanka.

Wareysi uu dhawaan bixiyay taliyaha militariga dalka Kenya ayaa isaguna waxaa uu dhankiisa sheegay in Al-shabab ay imika yeesheen awood ay ku adeegsadaan diyaaraha Dronis-ka.

Waxaa uu sheegay in diyaaradahan ay Shabab inta badan u adeegsadaan uruurinta xogaha iyod haqdhaqaaqyada ciidamada.

Dhawaan waxaa ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ay garoonka aadan cadde ku qabteen diyaarado Dronis ah oo dalka la so galinayay.

Diyaaradahan ayaa waxaa markii dambe sheegtay in uu leeyahay xildhibaan Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo sheegay in uu diyaaradahani u soo iibsaday si uu ugu isticmaalo arrimaha beeraha.

Maxay yihiin diyaaradaha Dronis-ka?

Waxay u qeybsamaan labo nooc oo kala ah nooc rayidka ay adeegsadaan iyo militariga ay adeegsadaan.

Diyaadaha Dronis-ka dagaalka waa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog laga hago.

Waxaa ay kaga duwan tahay diyaaradaha caadiga ah in Dronis-ka aysan qabanayn raadaarada loogu talagalay in ay sheegaan diyaaradaha hawada soo gala.

Dronis- waxaa la adeegsadaa mar la arko in diyaaraha kale ee dagaalka ay wajihi karaan khataro.

Droniska ayaa sidoo kale waxay hawada ku jiri karaan ilaa 24 saac iyo ka badan.

Waxaa sidoo kale doriska loo adeegsadaa raadinta xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada ay dusha kala socoto.

Waxa ay diyaaradaha Dronis-ka qaadi karaan sawiro muhiim u ah xogaha dhanak militariga.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post