870 Views

Madaxweynaha Somaaliland oo u digay Macalimiinta Goobaha waxbarashada

Madaxweynaha Somaaliland oo u digay Macalimiinta Goobaha waxbarashada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus oo kusii kordhaya deegaannada Soomaalland,isaga oo digniin u diray Goobaha Waxbarashada ee ku yaalla Soomaaliland.

Muuse Biixi oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheybaarka Cusub ee Soomalailand ku baarto Cudurka Coronavirus uu muujinayo in uu Cudurka kordhay,isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay ku baraarugaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland waxaa uu ugu baaqay in qof walba uu si iskiis ah isku baaro,sidoo kalena looga baahan yahay inay qaataan tallooyinka dhaqaatiirta Caafimaad.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomalailand waxa uu digniin culus u diray qaar kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iskuulladii dib u furay, waxana uu caddeeyey in cidda dugsiyada dib u furtaa lamid tahay kuwa qaadka sharci-darrada ah soo gelinaya Soomalailand , tallaabo sharci ahna laga qaadi doono.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ay shaacisay lix Kiis oo Cusub iyo dhimashada qofkii Shanaad ee deegaannada Soomaaliland

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment