1176 Views

Wax ka Baro aflaamta ay daawadaan siyaasiinta caanka ah iyo Filimada ay jecel yihiin

Wax ka Baro aflaamta ay daawadaan siyaasiinta caanka ah iyo Filimada ay  jecel yihiin
____________________________________________________________________________

.

.June 11 2021

Aan xoogaa ka nasanno, nolosha siyaasadda ee Westminister ee Britain, tan Maraykanka ee Wahington DC iyo daawashada wararka qaaska ah ee TV-yada, kuwaas oo aan kaa dheeraan doonin.

Siyaasiyiinta sida oo kale waxay jecel yihiin in ay xasuusiyaan codbixiyeyaasha inay runtii leeyihiin nolol ka baxsan tan siyaasadda (daacad), oo noo caddeeyaan arrinkaas, siiba iyaga oo inoo sheegaya waxyaalaha ay saacadaha badan daawadaan – xumaan iyo samaanba.

Wasiirka Maaliyadda ee Britain, Rishi Sunak wuxuu noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee daaha ka qaadaya aragtidiisa iyo waxa uu daawado, isagoo u sheegay The Radio Times inuu wakhti badan ku qaatay “daawashada Netflix ee filimka Bridgerton, iyo sidoo kale taxanaha aadka loo dhalleeceeyey ee Emily in Paris oo soo baxay sannadkii la soo dhaafay”.

Marka la eego qirashadiisa, waxaan soo koobnay barnaamijyadii TV-yada ee ay ku riyaaqeen siyaasiyiin caan ah oo ka kala yimid daafaha siyaasadeed ee labada dhinac ee balliga.

Bill Clinton (Madaxweynihii hore ee Mareykanka) iyo Hillary Clinton (xoghayihii hore ee arrimaha dibedda)

Si la mid ah Sunak, Clinton iyo xaaskiisa Hillary, lafteeda oo horey u soo noqotay musharax madaxweyne, waxay ka heleen Bridgerton.Wareysi uu la yeeshay soosaaraha filimkan, Shonda Rhimes, Clinton ayaa sheegay in isaga iyo Hillary ay si aad ah iskula dheceen filimkaas, taas oo keentay in “qoraxdu soo baxdo subaxnimadii Axada oo aan dhamaynay daawashada filinka”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay falcelinta xaaskiisa ee jilaaga British-ka ah ee asalkiisa ka soo jeedo Zimbabwe ee Regé-Jean Page, doorkiisa hogaamineed ee Simon.

Hillary waxay sii wadaysa in ay ku celceliso habeenkii oo dhan: ‘Kaas waa ninka ugu quruxda badan ee aan abid TV-yada ku arko’, ayuu yidhi Bill Clinton.

David Cameron (Raysalwasaare hore)

Haddii aad la soo degto qoyska reer Cameroon oo aad filim u daawato cashada kaddib, habeen kasta, waxay u badan tahay in aad ku dhammaysato adiga oo ku gabbanaya fadhiga gadaashiisa.

Mr Cameron wuxuu horey u sheegay inuu ku raaxeysanayo riwaayadaha ku saabsan dilka, iyo waxyaalada la xidhiidha sida The Killing, Case Histories, Midsomer Murders iyo Silent Witnes, halka sidoo kale ay qeyb ka yihiin taxanayaasha Shameless iyo Breaking Bad.

Laakiin mararka qaarkood, waxay u badan tahay in markii uu u baahan yahay jawi yara deggan, Mr Cameron wuxuu sheegay inuu ka helo daawashada barnaamijka qosolka iyo madadaalada ee BBC, ee ay wadaan Gavin iyo Stacey.

“Shaki kuma jiro maskaxdayda in Wales ay soo saartay ,barnaamijyadii riwaayadeed ee ugu fiican ee soo baxa shantii sano ee la soo dhaafay; Dabcan waa Gavin iyo Stacey,” ayuu ydhri sannadkii 2012, ka dib markii uu la kulmay, mid ka mid ah xidigaha reer Welsh, atariishada Stacey Joanna Page, ee Wadada Downing Street.

Nicola Sturgeon (wasiirka koobaad ee Scotland)

Wasiirkii koobaad ee Scotland, waxay taageere dheer u ahayd taxanaha siyaasadeed ee daanishka, ee lagu magacaabo Borgen.

Bandhigan oo soo jiitay dhagaystayaal aad u tiro badan oo ka tirsan, idaacada BBC Four, ka hor inta aanu dhammaan sadex xilli ka dib, sannadkii 2013, waxa xigay ra’iisal wasaarihii male-awaalka ahaa ee Birgitte Nyborg, oo ay ciyaartoy sida Babett Knudsen, iyada oo hoggaaminaysa dawlad-wadaag ah, sida uu ku saabsanaa filimkaasi.

In kasta oo xirfaddeeda ay ku guuleysatay, haddana guurkeeda wuu fashilmay, filimka gudihiisa.

Ms Sturgeon oo la hadlaysay The Herald ka hor taxanaha ugu dambeeya, waxay tiri: “Shaki la’aan” waa ruwaayaddii “ugu saxnayd” ee aan weligay daawado.

Ka heliddeeda filimkan waxaa macnaha u yeelaya waa iyada oo ah haweeney caan ah oo siyaasi ah laf ahaanteeda.

Arrinta fiican ee ku saabsan Borgen waxay muujineysaa haweeneydan adag sida muuqata, kalsooni badan, xariif ah oo hadal badan, laakiin waxaad sidoo kale aragtaa dhinaceeda aadanaha iyo xaqiiqda ah inay mararka qaar iska shakiyayaso, taas oo qof walba uu sameeyo.

“Waxay ku tusinaysaa siyaasiyiinta dhankooda wanaagsan, oo aan ahayn mid dhammaystiran ama aan jilliin lahayn, [Nyborg] wuxuu si fiican awood ugu leeyahay inuu geeyo farshaxanka dhinaca mugdiga ah, laakiin wuxuu hal abuuraa sheeko jilaheeda yahay sidii qof bini-aadam ah oo sharaf leh.”

Joe Biden (Madaxweynaha Maraykanka

 

Nolosha Xafiiska Oval-ka ee kursiga kulul uu yaallo, haddana way in uu wakhti yar oo nasasho ah uu ka helo shaqada, gaar ahaan inta lagu gudo jiro masiibooyiinka caalami ah.

Laakiin markii uu madaxweyne ku xigeenka u ahaa Barrack Obama, Biden wuxuu qirey inuu soo jiitay muuqaallada TLC-ga ah ee taxanaha ‘Here Comes Honey Boo Boo’.

Filimkan ayaa ah, mid ay jileyso boqoradda quruxda ee markaa jirtay toddobada sano, si rasmi ahna loo yaqaanay Alana Thompson.

Wareysi uu siiyay idaacada WMIA ee magaalada Miami, Mr Biden wuxuu sheegay in markii uu tiriyey majaajilistayaasha Mareykanka ee Modern Family iyo Parks iyo Recreation, ay yihiin kuwa uu jecel yahay, laakiin ay inanta uu awoowga u yahay u sheegtay in uu isha ku hayo taxanaha Honey Boo Boo.

“Honey Boo Boo ugu sarreeyo liiskeyga, laakiin waxaan ka warqabaa kaliya inaad ku dhaafi karto adoo adeegsanaya diyaaradda Air Force Two, runtaa jilaagu waa mid saamayn leh,” ayuu yidhi.

Theresa May (Raysal wasaarihii hore ee UK)

Marka la eego sida ay Theresa May u jeceshahay qoob-ka-ciyaarka, si joogto ah ayey uga dhex muuqatay muddadii ay jishay – oo ay ku jiraan shirkii Xisbiga Muxaafidka – waxaa laga yaabaa in aanay la yaab lahayn in ay u soo baxday sidii ay u noqon lahayd qof si weyn u taageerta barnaamijka hibada ee BBC-da ee Strotely Come Dancing.

Jacaylka ay u hayso show-gan ayaa xitaa ka soo dhex muuqday qorshooyinka doodaha telefishannada ee wadahadalada Brexit.

Markii uu hogaamiyaha xisbiga Labour-ka, Jeremy Corbyn wuxuu diiday soo jeedinta BBC, isagoo si murugo leh ugu soo jeedinaya inuu doorbidayo in barnaamij ay u qabato ITV si uu u daawado I’m A Celebrity”.

Balse Mrs May ay sheegtay inaysan ka soo muuqan doonin doodda ITV ay qabanqaabinayso. Waxay taa sabab uga dhigtay in ay si weyn u tabi doonto filimka ay jeclayd ee Strictly oo BBC-da ka baxa.

Dooddii ay u ballansanaayeen labadooda ee fool ka foolka ahayd aakhirkii waa la joojiyay, kaddib natiijada ka dhalatay is-mari waagaas.

Donald Trump (Madaxweynihii hore ee Maraykanka)

Donald Trump wuxuu dhalleecayn joogtada ahayd u jeedin jirey telefishannada wararka, taas oo astaan u noqotay boggisii twitter-ka.

Laakiin shakhsiyan telefishan ahaan inta uu yahay siyaasi, Mr Trump wuxuu sameeyay dhowr jeer oo uu ka soo muuqyaday TV-yada – gaar ahaan sida martigeliyihii barnaamijka tababarka ee Mareykanka – ka hor inta uusan ku guuleysan tartankii Aqalka Cad ee 2016.

Sida uu sheegay wargeysta The People, Trump ayaa badanaa daawan jirey barnaamijka lagu magacaabo Saturday Night Live (SNL).

Si kastaba ha noqotee, jacaylkiisa SNL ma sii raagin, ka dib markii qaabab taxane ah loogu carqaladeeyay maamulkiisa.

Ted Cruz (senator laga soo doorto )

Isaga oo u tartamaya musharraxa madaxweynenimada ee xisbiga Jamhuuriga, kahor doorashada 2016, Mr Cruz wuxuu markii hore cambaareeyay Trump ka hor inta uusan tageerin.

Wuxuu ku eedeeeyey xitaa sheegashooyin aan sal iyo raad lahayn ee musuqmaasuq ka dib doorashadii 2020.

Xulashada Mr Cruz ee TV-ga waxaa la dhihi karaa, waxay ka tarjumaysaa xifaaltankii iyo xiisaha siyaasadeed ee u dhaxeeyey – isaga oo la hadlaya majaladda People, isla maqaalkii Trump ee 2015, wuxuu ku magacaabay taxanaha caanka ah Game of Thrones iyo barnaamijka kaftanka siyaasadeed ee Mareykanka ee lagu magacaabo Veep. Waa labo ka mid ah bandhigyada uu ugu jecel yahay.

Marka laga soo tago inuu u baxsado khiyaali iyo majaajilo, markii uu ka qalin jebiyey Dugsiga Sharciga ee Harvard, waxaa kaloo uu muujiyey inuu u riyaaqay taxanaha Breaking Bad.

Barrack Obama (Madaxweyne hore)

Tan iyo markii uu xafiiska ka tagay sannadkii 2017, Obama wuxuu daabacay diiwaankiisa xagga dhaqanka ee sannadlaha ahaa – oo ay ku jiraan waxyaabaha uu ku caan baxay ee TV-yada, filimada, muusiga iyo suugaanta.

Iyadoo ay weheliso xaaskiisa, Michelle, wuxuu xitaa bilaabay shirkad wax soo saar TV ah, oo gacan ka gaysatay taageerada dokumenteriga Crip Camp oo gaadhay in loo magacaabo abaalmarinta Oscar-ka.

Diiwaankii sannadkii 2020, waxaa ka mid ahaa riwaayaddii ku saabsanayd ‘chess’ ee Netflix ee lagu magacaabay – The Queen’s Gambit – oo ay jilayeen Anya Taylor-Joy, iyo sidoo kale jilaa Britain u dhashay, qoraa iyo majaajiliiste, Michaela Coel, oo si taxaddar leh u ammaantay taxanaha BBC ee lagu magacaabo ‘I May Destroy You’.

Mr Obama ayaa sidoo kale horay u amaanay majaajillada BBC-da ee Fleabag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post