819 Views

Amniga Laascaanood la adkeeyay iyo banaanbaxyo laga cabsi qabo

Amniga Laascaanood la adkeeyay iyo banaanbaxyo laga cabsi qabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 16 2020–Sidda ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan  Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool  halkaasi ayaa  lagu daadiyay Ciidamo kala duwan oo Booliis iyo Militari isugu jira si looga hortago Muddaharaadyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Laascaanood.

Maamulka Gobolka Sool u qaabilsan Somaliland ayaa ciidamo dheeriya ku daadiyay Xaafadaha Magaalada kadib markii sida la sheegayo ay ka war heleen in ay qorshaysan yihiin Muddaharaadyo looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti.

Xaafaddaha qaarkood ayaa lagu arkaya Ciidamo aad u badan oo gaaf wareegaya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay jiraan in Somaliland ay xirteen qaar ka mid ah dadkii baananbaxyadda abaabulayay.

Tan iyo markii uu bilowday Shirka Jabuuti waxaa gobolada Sool iyo Sanaag ka socday cabasho ay ka muujiyeen shirkaasi, maadaama ay sheegeen in Somaliland aysan goboladaasi ka qeyb galin wadahallada laba dhinac.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post