1056 Views

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta Dhalinyarada degmada Wadajir

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta Dhalinyarada degmada Wadajir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-17–2019 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta dhallinyarada degmada Wadajir iyo masjid lagu cibaadeysto oo xarunta degmada wadajir laga dhisay.

 

Xarig jarkan oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir,

 

Xariga jarka Kaddib ayaa munaasabad kooban oo ay bulshada reer Wadajir ku muujinayeen garab istaagga Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa lagu qabtay xarunta degmada.

 

Guddoomiyaha degmada Wadajir C/raxman Maxamed Macalin Cali ayaa maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday dhismaha wadada Jaalle siyaad ee isku xirta degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

 

Xildhibaan Maxamud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay garab istaagga maamulka gobolka.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu wado qorsha lagu dhisaayo wadooyinka magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment