648 Views

Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada hadlay xiriirka labada dal.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Jimce ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania Marwo Liberata Mulamula, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran, iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post