480 Views

Xiisad u dhaxeeyo ilaalada Cumar Filish iyo Amisom oo daqiiqado kooban ka taagneeyd Aadan Cadde.

Xiisad u dhaxeeyo ilaalada Cumar Filish iyo Amisom oo daqiiqado kooban ka taagneeyd Aadan Cadde.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 9, 2022

Wararka ka imaanayo Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Daqiiqado kooban Xaalad cakiraan ah laga dareemay garoonka Aadan Cadde, ka dib markii muran xooggan uu dhaxmaray ilaalada gudoomiyaha Gobolka Cumar Filish iyo Ciidamada AMISOM ee waardiyeeyo Garoonka Aadan Cadde.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta doonayay in uu ka dhoofo garoonka ayaa la sheegay in ciidankiisa ay markii hore ay xoog ku mareen bar ciidanka AMISOM ay ku sugnaayeen taas oo keentay in Ciidamada AMISOM ay ka Cooraafaan.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in markii danbo la fasaxay Dadaalo dheer kadib gawaarida uu la socday Cumar Filish oo safar u ahaa Dalka Turkiga.

Waxaa la shegay in Taliyaha Saldhiga garoonka Booliska Garoonka Aadan Cadde, uu xaliyay xaaladii Cakirnaanta aheeys ee ka taagneed gudaha garoonka taasi oo u dhaxeysay Ciidamada AMISOM iyo ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post