1551 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii Farmaajo & Rooble

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed oo  sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii Farmaajo & Rooble
____________________________________________________________________________

Jimco:  October 21, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasare Rooble taas oo salka ku heeysay arrinta Hay’adda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag kujiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badna oo ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, waxaana uu sicad u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post