1794 Views

Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garowe

Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 06, 2019 –Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Ciidanka Xasilinta gobolka Nugaal ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah daraawiishta maamulka Puntland ayaa lagu kordhiyay suggida Ammaanka Magaalada Garowe.

Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Musharaxiinta qaarkood ayaa Magaalada lasoo galay hub farabadan, waxaana hubkaasi ay ugu tala galeen in ay ku ilaaliyaan Ammaankooda,taasoo laamaha Ammaanka ay sheegeen in ay abuurtay Qalqal Amni.

Ciidanka Booliska ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka, waxaana dhammaan Xaafaddaha Magaalada lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah.

8 Bishaan ayaa lagu waddaa in Magaalada ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment