2259 Views

Somalia Oo Nooqtay Dalka Ugu Saacadaha Yar Ee Soonka Bisha Ramadaan Ee Dalalka Carbeed

Somalia Oo Nooqtay Dalka Ugu Saacadaha Yar Ee Soonka Bisha Ramadaan Ee Dalalka Carbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Iyadoo maanta la guda-galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa qiimeyn lagu sameeyey Waddamadda Carabta ee ugu saacadaha dheer iyo kuwa saacadaha kooban ee Xilliga Ramadaanka.

Waddankeenna Somalia ayaa la sehegay inuu yahay waddanka ugu saacadaha kooban ee bisha Ramadaan ee guud ahaan dalalka Carabta.

 

Xilliyeynta waqtiga Ramadaanka ee laga sooman yahay gudaha Somalia maalintii ayaa la sheegay inay tahay 13 saacadood iyio 30 daqiiqo.

 

Sidoo kale, Dalka Carbeed ee saacadaha ugu badan laga sooman yahay ayaa ah dalka Algeria oo laga soomo maalintii muddo dhan 16-saacadood.

. Xilliyadda Dalalka kale ee Carbeed laga soomo ayaa waxaa ka mid ah :

  • Masar, waxaa laga soomaa 15-saacadood iyo 3 daqiiqo.
  • 2- Falastiin (Quddus), waxaa laga soomaa 15 saacadood iyo 4 daqiiqo.
  • 3- Dalka Kuweyt, waxaa isna laga soomaa  14 saacadood iyo 55 daqiiqo
  • 4- Dalka Imaaraadka Carabta waxaa laga soomaa 14 saacadood iyo 33 daqiiqo
  • 5- Cummaan waxaa laga soomaa 14 saacadood iyo 31 daqiiqo
  • Dhinaca kale, inta badan dalalka Islaamka waa laga wada sooman yahay maanta oo Isniin, balse waxaa jira dalal iclaamiyey inay maalinta Talaadada (Bishan May 7-da) tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
  • Dalalkaasi waxaa ka mid ah Pakistan, Cumaan, Morooko, Hindiya, Jesiiraddaha Komoroos iyo dadka shiicadda ee ku nool dalka Iraq.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment