627 Views

Puntland oo xukuno adag ku ridday shabakad ka kooban 6 dhalinyaro ah

Puntland oo xukuno adag ku ridday shabakad ka kooban 6 dhalinyaro ah
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah 6 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysan jiray gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa afar ka mid ah dhalinyaradan ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kale lagu riday xabsiyo u dhexeeyo 20 illaa 30 sano oo xarig ah.

Afarta dhaliyarada ah ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse.

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xarig ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed isna lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Dhalinyaradan ayaa waxaa dhamaantood lagu eedeeyey inay Gaalkacyo ka howl-galayeen intii u dhexeysay 2017-kii illaa 2021-kii, isla-markaana ay ka geysteen qaraxyo iyo dilal.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa intaasi ku dartay in dhalinyarada la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunada adag ee haatan lagu ridday.

Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey 18 kii nin ee bartamihii 2021-kii lagu toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post