1041 Views

Yuusuf Dabageed “Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe

Yuusuf Dabageed “Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Xili xaalada B/weyne ay tahay mid aan daganayn ayaa waxaa ka hadlay sida Xildhibaanada Hirshabelle loogu dooran karo B/weyne Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Dabageed oo  warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beeshiisa u sheegay in haddii Beledweyne loo diido Cali Guudlaawe aysan doorasho ka dhici doonin magaaladaas.

Waxa uu sheegay in reer Hiiraan oo dhan ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada federaalka qeybta ay ku leeyihiin lagu qabto magaalada Beledweyne, balse qaarkood ay ka soo hor jeedaan in madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tago magaaladaas, taas oo ku xiran doorashada.

“Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado magaaladan Beledweyne, hadii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, hadana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Meeshaan waxay doorasho ku imaaneysaa in madaxweynaha HirShabeelle uu yimaado, kadibna uu Ra’iisul wasaaraha keeno, oo tuso goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, taas ayaan ku tala jirnaa, ee naga qabta kuwa ku tala jira inay fashiliyaan qorshahaas.”

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku sii daray in dadka reer Hiiraan ee tabashada qaba ay ku dadaalayaan xalintooda oo xuquuqdooda ay u ogolyihiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post