3312 Views

Kulanka Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle ee Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya

Kulanka Ururada Bulshada Rayidka ah ee Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle ee Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Jowhar, 17 April 2018 –  Ururada Bulshada rayidka ah ee Dowlad Gobboleedka Hir-Shabelle Soomaaliya ayaa kulan aragti is-waydaarsi ah oo lagu lafa gurayey hannaanka dib-u- eegista Dastuurka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada Jillayaasha Aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya-SOSCENSA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaybaha kala-duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Hir-Shabeelle sida ; Culumaa-udiinka, Ururada haweenka , Dhallinyarada , Odayaasha Dhaqanka , Warbaahinta iyo Jaamacadaha.

Ujeedada kulanka ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ayaa ahaa:-

1. In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

2. In ay ka tashadaan kaalintooda kaga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka haysta ka qayblka hannaanka.

3. Hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
Ka qeyb-galayaasha ka socday ururada Bulshada Rayidka ayaa wada qaatay dood dheer, wadatashi iyo falanqeyn ku aadan geeddi socodkaa dib-u-eegista Dastuura, kaalinta bulshada rayidka, caqabadaha ka heysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo, waxa ay soo saareen talooyinka hoos ku xusan:

4. In Hanaanka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya uu noqdo hannaan Soomaalidu ay gacantooda kujira beesha caalmkana ay soo fara-galin

5. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay ka dhabeeyaan in Qabyo Qoraalka Dastuurka uusan dhaafin dhammaadka 2018.

6. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay door muhiim ah ka siiyaan Ururada Bulshada Rayidka ah Geedi socodka Dib-u-eegista Daastuurka, maadaama ay iyagu ku dhexjiraan Bulsho waynta Soomaaliyeed.

7. In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya(CRP Road Map) aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn, Bulshada Rayidka ahna laga qayb galin .

8. In Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aas-aas looga dhigo mabaadii’da shareecada Islaamka.

9. In Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka laga qayb galiyo qubaro aqoon u leh shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamiga.

10. In la qabto wacyigalin ballaaran oo ku saabsan Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyada oo la gaarsiinaayo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed , gobbal ilaa Tuulo iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ahna ay qabanayaan wacyigalinadaas.

Gaba-gabada kulanka, kasoo qayb galyaasha ayaa u mahad celiyay Dallada SOSCENSA oo soo abaabushay kulanka halka maalinka ahaa ee lagu lafa-guraayay Geeddi socodka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya.

shir-jowhar-1 shir-jowhar-2 shir-jowhar-4 shir-jowhar-3

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment