420 Views

Wariye Jamaal Cosmaan oo Saacado ku Xirnaa Muqdisho oo Dib loo Celiyay

Wariye Jamaal Cosmaan oo Saacado ku Xirnaa Muqdisho oo Dib loo Celiyay
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 19, 2022

Magaaladda Muqdisho waxaa laga masaafuriyey oo waddanka laga saaray Weriye Jamaal Cismaan oo shalay illaa saakay Xabsi guri ku ahaa Xamar.

Xubno kasocday Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayey iney sii daayaan Jamaal, balse way ku guul darreysteen oo waa kaas la masaafuriyey.

Wararka Weriyahan la Masaafuriyey loo heysto waxaa kamid ah, Caddeyn la’aan inuu sheegay war ahaa Khawaariijta Shabaabka ayaa waddanka qabsan kara, iyo buunbuunin kale oo uu u sameynayey kooxda Gabbalkoodu dhacay ee ka macaasha daadinta Dhiigga Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamze ayaa goob Fagaare ah ka sheegay in Qofka Shabaabka ammaana uu yahay Caddowga koobaad ee dhabar jabinaya Dagaalka dowladdu dalka kaga sifaynayso Shabaabka sii dhammaanaya.

M Lama oga in si toos ah Xamze wax uga ogaa Masaafurinta Weriye Jamaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post