2022 Views

SAWIRO: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

SAWIRO: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore Xarunta Premier Bank ee Taleex,waxaana uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca Soomaalida u taqaano qooqanta,sidaasina uu ku qarxay.

Khasaaro dhaawac ah ayaa la sheegay in uu jiro,waxaana qof goobta tegay u sheegay in ilaa 4 ruux uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxaas.

Gaariga qarxay ayaa dabka kacay,waxaana dad goobta tegay ay sheegeen in uu basbeelay,iyad aoo aan weli la shaacin ruuxii lahaa gaarigaas.

Inta badan Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo,iyada oo mas’uuliyiin ay horay ugu geeriyoodeen qaraxyadaas.

Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa la geeyay Goobaha Caafimaad oo ku yaalla Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment