411 Views

Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Safiirka Sweden

Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Safiirka Sweden
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 15, 2021–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya  Per Lingarde.

lbada Mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Guddoomiye Mursal ayaa uga mahad celiyay Saciirka Sweden sida dowladiisa ay taaveerada u siiso Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday inay kala Shaqeyso dhameystirka howlaha socda ee doorashooyinka.

Safiirka Cusub ee dowladda Swden u soo Magacaawday Soomaaliya oo Shaqa billaabay ayaa horay ula kulmay mas’uuliyiin kale oo ka yirsan dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan ay ka wada hadleen arrimaha doorasbooyinka dalka.

Dowladda Sweden ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay siisaa taageero kala duwan, waxaana mashaariic ay ka fulisay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka kajira.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post