936 Views

Gudoomiye Cumar Filish oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha degmada Wadajir
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Ow Cali.

Gudoomiye Cumar Filisha ayaa Gudoomiyaha degmada Wadajir u Magacaabay Bashiir Mohamed Ali.

Waxaa uu gudoomiyaha cusub ee degmada kula dardaarmay in uu si deg deg ah wax uga qabto dhibaatooyinka ka jira degmada.

Degmada Wadajir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka jiray cabasho ay dadka degaanka ay ka muujinayeen maamulka.

Degmooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin ay sababeen roobabkii Muqdisho ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post