414 Views

Soomaaliland oo xabsiga ka sii daysay siyaasiyiin iyo suxufiyiin muddo u xirnaa

Soomaaliland oo xabsiga ka sii daysay siyaasiyiin iyo suxufiyiin muddo u xirnaa
____________________________________________________________________________

Talaado: July 5, 2022

Waxaa xabsiga Mandheere laga soo daayay siyaasiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ee soomaaliland iyo suxufiyiin maalmihii la soo dhaafay ugu xirnaa arrimo siayasadeed.

Arrintan ayaa timid ka dib markii odayaal ka mid ah kuwa Somaliland ay dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Qaar ka mid ah odayaasha qaybta ka qaatay waan waanta ayaa sheegay in siidaynta maxaabiista ka dib ay berri kulmi doonaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda Soomaaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maalmihii dambe taagnaa khilaaf ka dhashay doorashada oo u dhexeeyey xukuumadda iyo mucaaradka.

Lamana oga in dadaalladan ay soo afjari doonaan khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post