981 Views

Ciidamada Dowladda oo dhaq dhaqaaq ka wada duleedka Janaale

Ciidamada Dowladda oo dhaq dhaqaaq ka wada duleedka Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen deegaano u dhow degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose,iyaga oo gaarey deegaano horleh.

 

Ciidamada oo ka ambabaxay degmada Awdheegle ayaa waxaa la sheegay inay ku dhawaadeen degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay fariisin weyn ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamaa Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Janaale,kadib markii Ciidanka Dowladda ku dhawaadeen degmada Janaale.

 

“Ciidamadeena ee xalay ku sugnaa Buufoow Bacaad ayaa ku soo dhawaaday nawaaxiga Janaale, waxa ayna qorsheynayaan inta aysan gelin Janaale in ay ka taxadiraan Dhagartii ay janaale ku reebeen Al-Shabaab ayuu yiri” Sarkaal ka tirsan Ciidamada.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo gaarey deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka Marka ayaa halkaasi kula kulmey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga,iyaga oo halkaasi ka wada sidii Cidiamada ula wareegi lahaayeen degmada Janaale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment