687 Views

Sidee ayay TPLF ugu suuragashay inay loodiyaan mid ka mid ah ciidankii ugu awoodda badnaa Afrika?

Sidee ayay TPLF ugu suuragashay inay loodiyaan mid ka mid ah ciidankii ugu awoodda badnaa Afrika?
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Ciidan mar ahaa kuwo xoog badan oo ay awooddoodu u soo jiiday ixtiraamka Maraykanka, ayaa hadda u muuqda kuwo khasaare baaxad leh la daaladhacaya, oo ka soo gaadhay jiidaha hore ee dagaalka, taas oo keentay in dawladdu ay qaado tallaabo aan caadi ahayn oo ay ugu yeedhayso muwaadiniinta caadiga ah inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigrayga.

Waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid qaabdhismeedkii millatariga.

Sanad ka hor waxay meesha ka saareen jabhadda TPLF oo ahaa xisbigii talada hayay ee waqooyiga gobolka Tigray – hadda dagaalyahannada kooxdaas ayaa qabsanaya magaalooyin u dhow caasimadda Addis Ababa.

“Dagaalyahannada TPLF waxay markii hore dhiigbixiyeen ciidanka dowladda ee ku sugnaaTigray iyagoo qaaday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah,” Falanqeeyaha Geeska Afrika ee fadhigiisu yahay Maraykanka Faysal Rooble ayaa sharraxay.

“Markaa waxay galeen dagaal si ay ugu dhammeeyaan.” ayuu raaciyey hadalkiisa Faysal

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post