1323 Views

Sacuudi Carabiya oo doonaya in uu xirto sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan,

Sacuudi Carabiya oo doonaya in uu  xirto sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan,
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa inay xirto sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas Arbacadii werisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka carreysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkey ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xiro marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaareysa 2,256.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah.

Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah.

Xiritaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare usii qaadi karta xiisadda labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliila boqortooyada.

Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkey waxay yaboohday inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

AFP

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post