366 Views

Uhuru oo sheegay inuu ku farxi lahaa haddii Raila Odiinga madaxweyne loo dooran lahaa

Uhuru oo sheegay inuu ku farxi lahaa haddii Raila Odiinga madaxweyne loo dooran lahaa
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Kenya Uhuru Kenayatta ayaa sheegay in uu doorbidayay in madaxweyne loo doorto Raila Odinga isagoo sheegay in weli shaqsiga uu taagersanyahay uu yahay baba Raila.

Hadalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xilli maxkamadda saree e Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in William Ruto uu yahay madaxweynaha sida rasmiga loogu doortay Kenya.

Madaxweyne Kenyatta oo ka hadlayay munaasibad ka dhacday ismaamulka Kajido oo ay ku kulmeen madaxda la doortay ee kusoo baxay isbahaysiga Azimio ayaa sheegay in haddii Raila la dooran lahaa Kenya ay cagta saari lahayd wado toosan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in 13-ka September uu xilka ku wareejin doono Madaxweynaha la doortay ee William Ruto si waafaqsan dastuurka dalka.

Hadalka Kenyatta ayaa kuso beegmaya xilli Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya, William Ruto, uu sheegay inuu wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaha xilka kasii degaya ayna ka wada hadleen sidii uu xilka ula wareegi lahaa.

Sidoo kale William Ruto,ayaa sheegay inay ka wada hadleen doorashadii dhawaan lasoo gaba gabeeyay, iyo isbadalkii dimuqraadiyada ee ka dhacay Kenya.

Office Nairobi kenyya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post