390 Views

Mareykanka ayaa gawaarida ciidanka ugu deeq hawlgalka ATMIS ee Somalia

Mareykanka ayaa gawaarida ciidanka ugu deeq hawlgalka ATMIS ee Somalia
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday 24 gaadiidka dagaalka ah ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Gaadiidkan dagaalka ayaa waxaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa u siticmaali doona howlgalo ciidan oo ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Larry Andre, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, oo wareejinaayey gaadiidkan isagoo ku sugan magaalada Muqdisho Arbacadii, ayaa sheegay taageerada dowladdiisa iyo dadaalka loogu jiro nabadeynta iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka weyn ee Geeska Afrika.

Gawaarida deeqda ah ayaa kor loogu qaadayaa awoodda ATMIS-ka ee ka hortagga IED-da iyo ilaalinta rayidka, kaabayaasha muhiimka ah iyo goobaha xasaasiga ah, fududaynta bixinta sahayda bini’aadantinimo iyo taageeridda hawlaha xasilinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post