723 Views

Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa oo lagu qabtay Dalka Ethiopia

Soomaaliya oo ka qeyb gashay xuska Dhaqanka Dalalka Geeska Africa oo lagu qabtay Dalka Ethiopia
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa caasimadda Addis Ababa si buuxda uga qayb gashay munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka geeska Africa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaqanka, Dalxiiska iyo Ciyaaraha ee Dawladda Ethiopia.

Munaasabaddan waxaa si rasmi ah u daah-furay Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isboortiska Ethiopia Kejela Merdassa waxaana lagu qabtay Fagaaraha Maskal ee Addis Ababa, iyadoo dhamaan dalalka munaasabadda ka qayb galay ay goobtaas kusoo bandhigeen arrimaha dhaqanka, fanka iyo farashaxanka ee dalalkooda, taasoo ay bar-bar socotay bandhig dhaqameed mug weyn oo say sameeyeen madaxdii iyo kooxihii kala duwanaa ee metelayey Dawladda Soomaaliya, iyagoo goob fagaaraa ku sameeyey dhoolla tus ka turjumaya ciyaaraha iyo cuntooyinka dhaqan ahaan u gaarka ah Soomaaliya.

Sidookale diplomaasiyiinta Safaaradda JFS ee Ethiopia oo munaasabadda ka qayb galay ayaa kala ah U-qaybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta sare Safaaradda JFS mudane Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, U-qaybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha Safaaradda JFS mudane Mustafe Mahdi Cashuur iyo U-qaybsanaha Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Safaaradda JFS ee Ethiopia, waxaana Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi oo ah u-qaybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta sare ee safaaradda oo kaalin weyn ku lahaa qaban qaabada ka qayb galka Dawladda Soomaaliya ee munaasabaddan uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia iyo Diplomaasiyiinta ka hawlgala ee uu ugu horeeyo Danjiraha Dawladda Soomaaliya ee dalka Ethiopia General Cabdullaahi Axmed Aamac IlkaJiir ayaa si adag ugu diyaar garoobay kobcinta iyo kor u qaadista qiimaha iyo metelaadda ay Soomaaliya ku leedahay dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka Africa, waxaana arrintaas laga dheehan karaa hawlaha diplomaasiyadeed ee hortabinta u leh horumarka Qaranka ee ay gacanta ku hayso safaaradda JFS ee dalkan Ethiopia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post