381 Views

Madaxweynaha Puntland oo wefdi uu hoggaaminaayo Mustafe Cagjar ku soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo wefdi uu hoggaaminaayo Mustafe Cagjar ku soo dhaweeyay Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Sabti: October 22, 2022

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya DDS Mudane Mustafe Muxumud Cumar (Cagjar) ayaa gabbal-gaabkii jimacada ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gen Abshir caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo Puntland ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey wefdiga.

Ujeedada wefdigan ayaa ah in ay ka qaybgalaan xalfaladda furitraanka dekadda Garacad oo lagu wado maalinta berri ah ee 22/10/2022 in xariga laga jaro.

Waxaa dekadda xariga ka jari doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dekadda Garacad ayaa ku bilaamatey iskutashi bulsho oo ay taageertey xukuumaddii Puntland 2018, waxaana wejiga kowaad ku soo xiran ilaa laba markab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post