3042 Views

Qaramada Midoobay Oo Cod Aqlibiyad leh Ku Diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus

Qaramada Midoobay Oo Cod Aqlibiyad leh Ku Diiday Aqoonsiga Trump ee Qudus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 –Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn u taageeray qaraarka Maraykanka ugu baaqaya in uu ka laabto in uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankasta oo laga qaatay Qudus uu yahay mid aan waxka ka jirin, ayna waajib tahay in laga laabto.

Qaraarkan oo dhaqangalintiisu aysan qasab ahayn waxaa meelmariyay 128 dal, waxaa ka aamusay 35 dal waxaana ka soo horjeedsaday sagaal dal.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku goodiyay in uu kaalmada dhaqaale ka jari doono dalalka taageera qaraarkaas.

Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsaday Maraykanka, Israa’iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.

Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico

Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka.

Codayntana waxaan soo xaadirin 21 dal.

 

Xigasho:BBC

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment