735 Views

Dowladda Shiinaha oo lagu wado in Dowladda ku wareejinayso 200.000 oo ah talaalka Cudurka COVID19

Dowladda Shiinaha oo  lagu wado in Dowladda ku wareejinayso  200.000 oo ah talaalka Cudurka COVID19
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso 200.000 oo ah talaalka Cudurka Safmareenka ah ee COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.


Dhawaan Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Amb, Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hortagaan.


Horay Soomaaliya ayaa waxaa loo keenay tallaalka Oxford/Astrazenica oo dhan 300,000 qiyaas oo loogu talagalay shaqaalaha safka hore si jirkooda uu u helo difaaca kahortagga Fayruska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post