1182 Views

40,000-kun oo arday oo maanta Imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland

40,000-kun oo arday oo maanta Imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland
____________________________________________________________________________

Imtixaanka Shihaadiga Dugsiyadda Sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday degaanada maamulka Somaliland sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada maamulka Somaliland.
Ku dhawaad 40,000-kun oo arday ayaa maanta si rasmi ah ugu fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasarada afraad dugsiga sare iyo sideedaad dugsiga hoose dhexe.

Amarkii Puntland ee siddeeddii bishan ay imtixaankaasi kaga mamnuucday gobolka Sanaag ayaana hirgelin, waxaana imtixaanka uu ka socdaa gobolka Sanaag.

In ka badan 200 oo goobood ayuu ka dhici doonta Imtixaanka, waxaana daahfuray Masuuliyiinta Somaliland.
Imtixaanka Somaliland ayaa sanadkii hore hal maalin dhacay sababo la xariira cudurka Karoonaha oo xoogganaa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post