1059 Views

Hooyo Xaamilo ah oo lagu Dilay Deegaan Kaxandhaale ee Maamulka Galmudug

Hooyo Xaamilo ah oo lagu Dilay Deegaan Kaxandhaale ee Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2022

Haweeney Xaamilo Aheyd ayaa Aano Qabiil shalay Loogu Dilay Degaanka Kaxandhaale Ka Tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana sidoo kale la dhaawacay mid kale.

Allaha u naxariistee Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac oo aheyd haweeney xoolo dhaqato ah, waxaana goobta uu falku ka dhacay tegay qoyskeeda oo Meydka geeyay Gelinsoor.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ay tahay falkaasi mid laga naxo waxay ku baaqeen in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dilka geystay.

Gobolka Galgaduud maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geystay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post