798 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Dhuusamareeb

SAWIRO:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 08  2020–Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo diyaarad Helicopter ay leedahay Qaramada Midoobay ka qaaday Magaalada Beledwyene ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga ayaa waxaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul goboleed ee Shirka halkaasi uga furmaya Madaxda Dowlad Goboleedyada u taga magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Ciidamo ku hubeysan Afar gaari oo kuwa kuwa dagaalka ah oo kamid ah Ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle ka amba baxay Magaalada Beledweyne, iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post