933 Views

Wasaarrada Caafimaadka oo sheegtay in 48 saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 laga helay dad garaya 304 ruux.

Wasaarrada Caafimaadka oo sheegtay in 48 saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 laga helay dad garaya 304 ruux.
____________________________________________________________________________

 February  27 /2/ 2021

Wasaarrada Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 48 saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 laga helay guud ahaan dalka Soomaaliya 304 ruux.

Gobolka Banaadir ayaa cudurkan laga helay dad gaaraya 147 Hirshabelle, 77  Somaliland, 53.Jubaland, 15, Galmudug, 7  Koonfur Galbeed, 5, iyadoo wadarguud dadka laga helay cudurkan ay noqonayaan 304 ruux.

Wasaarradda ayaa sidoo kale sheegtay in  48 dii saac ee la soo dhaafay ay cudurkan u geriyoodeen dad gaaraya ilaa 8 ruux.

Wasaarradda ayaa ku boorisay dadka in ay u hoggaansamaan fariimaha ka hortagga cudurka, iyadoo aad moodo in aysan dadku xil gaar ah iska saarin arrintan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post