894 Views

RW Kheyre oo kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb

RW Kheyre oo kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 1, 2020Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka wadaa kulamo kala duwan oo ku saabsan dhismaha Galmudug iyo xulista Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas.

Kheyre oo mudo laba Maalin ka badan ku sugan dhuusamareeb ayaa horey ula kulmay Saraakiisha laamaha Amniga,isaga oo kala hadlay  Shaqaaqo habeeno ka hor ka dhacday Dhuusamareeb oo la sheegay in xal laga gaarey.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inay ka wada hadleen arrimaha la xiriira xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug iyo Xubnaha 20 ah ee la siiyey Ahlusunna oo beelaha qaar ay kasoo horjeesteen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna,iyaga oo ka wada hadley Arimo ku saabsan Isku dhicii dhex marey ciidamada Dowlada iyo ilaalada Xarunta inji oo ah hooyga madaxda Ahlusunna wallow xal laga gaarey.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment