1059 Views

Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug oo la Magacaabey

Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug oo la Magacaabey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, -2019 —Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u- heshiisiinta XF Soomaaliya ayaa magacowday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug, kaas oo maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey in la Magacaabayo.

 

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Isaaq Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta uu Akhriyey wareegtada guddigaas lagu Magacaabey ayaa sheegay in guddigaan la Magacaabey, iyada oo laga duulayo Go’aanadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradad Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa sharaxaya u jeedada loo Magacaabey Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Dowlad Gobaleedka Galmudug.

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga kana Daawo Muuqaalka Codka

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment