579 Views

Nin miyiga digaagga ku iibin jiray oo kamid ah dadka ugu cadcad tartanka madaxweynaha ee dal caan ah

Nin miyiga digaagga ku iibin jiray oo kamid ah dadka ugu cadcad tartanka madaxweynaha ee dal caan ah
____________________________________________________________________________


Axad: June 5, 2022

Madaxweyne kuxegeenka dalka Kenya Wiilliam Ruto ayaa kamid ah dadka ugu cadcad ee u tartamaya jagada madaxtinimo ee dalka Kenya.

Dr. William Ruto,Dugsiga hoose waxa uu galay isagoo kaba-la’aan ah, wuxuuna kabihiisii ​​ugu horreeyay helay isagoo 15 jir ah, sidoo kale wuxaa uu laamiga agtiisa ee miyiga gobolka Rift Valley kuiibin jiray digaagga iyo lawska .

Markaa la yaab maaha in uu isu muujiyo in uu yahay hormoodka danyarta isaga oo u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya oo ku beegan 9ka Ogosto.

Heerka shaqo la’aanta rasmiga ah ee dadka da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 34 sano waxay ku dhowdahay 40%, dhaqaaluhuna ma abuurayo shaqooyin ku filan dhalinyaro gaareysa 800,000 oo sanad walbo shaqa doonka ah.

Sidaa darteed waxa uu hal-abuur ka dhigtay odhaahda ah “Hustler nation” oo uu ula jeedo qaran nolol-maalmeedkiisa u halgamaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post