951 Views

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka qaybgalaya Shirka Dhuusamareeb 3.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka qaybgalaya Shirka Dhuusamareeb 3.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in Shirka (Dhuusamareeb 3) ay ka qaybgalayaan Madaxda DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxa ay Dhuusamareeb tagayaan berri, waxaana maanta gelinka dambe kasii hormaraya wufuud ka kala tirsan Labada Madaxtooyo iyo ilaalada mas’uuliyiinta.

Madaxtooyada Puntland waxa ay xaqiijisay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu soo gaba-gabeeyay safarkii uu ku tagay Jabuuti, waxaana qorshaha uu yahay in berri uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.

Axmed Madoobe waxa uu tagayaa Dhuusamareeb Berri waqtiga uu tago Siciid Deni, waxaana arrintaas lagu macneeyay in siyaasad iyo qorshe ahaan ay isku dhaw yihiin labada Madaxweyne Maamul Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa la hadlay Mas’uuliyiinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay uga qaybgalaan Shirka muhiimka u ah Xaaladda dalka, doorashada, Geedi socodka iyo isla jaanqaanka habka lagu wajahayo.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qaybgalaan Shirka (Dhuusamareeb-3), haddii lagu guuldareysto kulankaas waxa ay tilmaamtay in rajada doorashada iyo hannaanka lagu wajahayo mugdi hareenayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post