843 Views

Madaxweyne Qoor qoor oo Wacad ku maray in shabaab ay ka shalayn doonaan Qaraxii shalay..

Madaxweyne Qoor qoor  oo Wacad ku maray in shabaab ay ka shalayn doonaan Qaraxii shalay..
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa tacsi u diray dhammaan Ehelada, qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxeen Saraakiishii iyo shacabka ku le’day qaraxaas Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal wuxushimo ah oo dadkaas lala beegsaday.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug in si wadajir ah loogu midowbo la dagaalanka Al-shabaab, waxa

“Waxaan ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed in aan u midowno la dagaalanka Al-shabaab. Tacsida taala Gaalkacyo waxay marar badan ku dhacday guryo kale iyo goobe kale.” Ayuu yiri Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayuu sheegay in maamulka Galmudug uu jawaaba Deg deg ah ka bixin doono Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Gaalkacyo, xili halkaas ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaare Maxamed xuseen Rooble.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ay ku jireen Taliye Cabdicaiis C/llaahi Qooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo ee Puntland iyo dadweyne kale ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka dad kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post