336 Views

Salman Rushdie oo 75 jir ah oo si xun loogu dhaawacay markii la tooriyeeyey indhaha beelay

Salman  Rushdie oo 75 jir ah oo si xun loogu dhaawacay markii la tooriyeeyey indhaha beelay
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 14, 2022

 Mr Rushdie oo 75 jir ah ayaa si xun loogu dhaawacay markii la tooriyeeyey isagoo ka hadlayey munaasabad ka socotay gobolka New York.

Wuxuu wajahayey sanado badan oo hanjabaado in la dilo ah iydoo loo aaneynayo buugga uu qoray ee Aayadaha Sheydaanka oo ay muslimku u arken aflagaado.

Ninka lagu eedeeyey weerarka Jimcihii dhacay ayaa ku dooday in aan lagu soo eedeyn isku day dil wuxuuna beeniyey arrintaa .

‘Hadda qalabkii neefqaadashada waa laga saaray Rushdie sidaa darteed wadadii dib u kabashada ayaa bilaaantay ‘’. ayuu sheegay Andrew Wylie oo ah wakiilkiisa.

‘’Waqti badan badan ayey qaadan kartaa , dhaawacyada waa culus yihiin laakiin caafimaadkiisa waa soo hagaagayaa ‘’ ayuu siiraaciyey.

Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo la yirahdo Hadi Mataroo 24 jir ah ayaa lagu eedeeyey in uu ku soo orday masraxa uuna tooriyeeyey Mr Rushdie ugu yaraan toban jeer kana tooriyeyey wejiga, qoorta iyo ubucda.

Wuxuu sheegay in qoraaga waxaa soo gaaay dhaawacyo dhinaca neerfaha mid ka mid ah gacmihiisa , dhaawac ka soo gaaray beerkawaxayna u badan tahay in uu indhihiisa mid ka mid ah uu beelo.

Ka hor weerarka waxaa la filayey in uu jeediyo hadal ku saabsan sida Mareykamku ay gabbaad u siiyaan qorayaasha .

Ninkan ayaa ayaa laguu qasbay in uu dhuumasho galo qiyaastii toban sano ka dib markii la daabacay buugga uu u bixiyey Aayadaha Sheydaanka ee la dabacay sanadki 1988dii .

Muslimiin fara badan ayaa kaga falceliyey caro buuggaasi , iyagoo ku dooday inuu aflagaado ku yahay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamad CSW,

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post