588 Views

Haweeney wariye ah oo uur leh oo ay Taliban siiyeen magan galyo

Haweeney wariye ah oo uur leh oo ay Taliban siiyeen magan galyo
____________________________________________________________________________

Isniin: January 31, 2022

Haweeyney wariye ah oo uur leh oo kasoo jeeda dalka New Zealand, ayaa loo diidey iney gasho dalkeeda, sababo la xiriira xayiraadaha cudurka safmarka ee Covid-19.

Charlotte Bellis, ayaa ogaatey in iyada iyo lamaanaheeda in dhawaan uu u dhalan doono ilmo yar, iyagoo markaa kusugan dalka Qadar.

Waa sharci darro in haweeney ay uur qaaddo dalka Qadar, iyadoo aaney aheyn xaas la qabo, markaa kaidb, waxey xareeyeen dal ku gal ay ugu amba baxaan dalka New Zealand.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo sheegay inaaney dalka soo gali Karin sababo la xiriira xanibaadda cudurka safmarka ee Covid19, taasoo xadidaysa isaga kala talaabista xuduudaha.

Bellis ayaa kal hore kasoo shaqeysay dalka Afghanistan, waxeyna wali heysatey dal ku gal aanan dhicin, sidaa daraadeed waxey ka codsadey Taliban iney Afghanistan timaado, iyagoo si farxad leh ugu soo jawaabey iney iman karto dalkooda.

Haweeneydan wariyaha ah, ayaa sanadkii hore su’aal galisay hoggaamiyeyaasha kooxdani iyo dagaal yahanadooda sida ay ula dhaqmi doonaan haweenka iyo gabdhaha, iyadoo xaaladda ku macneysay mid isku dhex yaacsan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post