513 Views

Dil ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Dil ka dhacay Magaalada Baydhabo.
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Waxaa xalay Magaaladda Beeydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha isku xirka dhalinyarada,

Dilka wiilka dhalinyarada ahaa oo  ka dhacay Xaafadda Daarusalaam, ayaa waxaa sida lashegay Goobta isaga Baxsaday kooxihii Dilka gaysatay oo ku hubeysanaa Bastoolado, Sida ay shegeen Dadka xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Ammaanka ayaa dilka kadib Howlgalo Sameeyay Inkastoo Howlkaasi aan Cidna Lagu soo qaban Sida ay shegeen ila wareedyo kala Duwan.

Dhanka kale Waxaa isla xalay Magaalada Baydhabo ka dhacay qarax lagu xiray guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka KG inkastoo aan lasoo sheegin wax khaskhasaaro nafeed ah uu geystay balse waxaa jira mid hantiyadeed wallow aan la cayimin inta uu gaarsiisanyahay.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post