891 Views

Taliye Biixi oo socdaal ku tegay degaan ay sheegteen inay la wareegeen Al-Shabaab

Taliye Biixi oo socdaal ku tegay degaan ay sheegteen inay la wareegeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeeray tuulada Dheghaye oo hoostagta degaanka Wisil ee Mudug.

Deganka ay saraakiisha kormeereen ayaa waxaa sheegtay inay la wareegeen Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay sheegeen oo gacanta ku haayay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiisha la socota ayaa socod ku maray xaafadaha degaanka Dheghaye iyo banaanka degaanka oo ay saldhigo ku leeyihiin ciidamada dowlada.

Taliye Biixi oo kulan gar ah la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa beeniyay inay degaanka la wareegeen Al-Shabaab, waxaana uu saraakiisha faray inay xaqiijiyaan amniga degaanka kana hortagaan Al-Shabaab.

Degano badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, sida Bacaadweyne iyo Wisil ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post