576 Views

Jubbaland oo Maanta billowday diiwaangelinta Musharrixiinta kuraas Golaha Shacabka

Jubbaland oo Maanta billowday diiwaangelinta Musharrixiinta kuraas Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Dowlad Goboleedka Jubbaland  ayaa maanta Magaalada Kismaaho ka bilaabay diiwaangeli ta &Shahaaso siinta musharrixiinta Saddex kamid ah Kuraasta Golaha oo dhawaan la dooranayo.
Guddiga ayaa Maanta shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyay Xassan Xuseen Maxamed oo ah Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay #HOP126.

Sidoo kale Guddiga ayaa isla Maanta diiwaangeliyay, isla markaana shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyay Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cumar Maxamed Cumar oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay #HOP118.
Sidoo kale Musharax Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi iyo musharax Dr. Axmed Aadan Axmed oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay #HOP127 ayaa la gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimo.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka Jubbland ay diiwaan vekiyaan musharrixiinta harsan ee Maalinta Arbacada ah ku tartami doona kuraasta Saddexda ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post