477 Views

Maraykanka: Laba nin oo doonayey inay afduubaan guddoomiye gobol, oo dembi lagu helay

Maraykanka: Laba nin oo doonayey inay afduubaan guddoomiye gobol, oo dembi lagu helay
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa Salaasadii dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, halka ay qorsheeyeen inay qarxiyaan buundooyin ama ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan, inta uu socdo qorshaha afduubku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jiraan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahawareeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qorshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya gaadiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xidhiidha walxo qarxa oo uu haystay.

Xeerbeegtida ayaa kiiskan ka doodaysay wakhti illaa sideed saacadood ah oo muddo laba maalmood ah.

Kiiskan ayaa baadhistaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo dagaalamay dalka Maraykanka, oo ka tirsanaa koox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maqlay, xubno ka sheekaysanaysa inay laayaan ciidanka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si hoose ula shaqeeyo laanta dembi baadhista Maraykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey kooxda qorshaynaysay inay afduubaan badhasaabka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelayey tababarada loogu diyaargaroobayo afduubka guddoomiyaha gobolka.

Caddaymaha uu soo ururiyey ayaa loo isticmaalay in lagu fashiliyo shirqoolkaas isla markaana lagu xidhxidho, dadkii soo abaabulay.

Associated Press 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post