312 Views

Cabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo

Cabdirashiid Janan iyo Senoter Fartaag oo abaabul xooggan ka wada gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

 Axad: December 18, 2022

Gobolka Gedo dhawwaan waxaa gaaray Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kuwaa oo in muddo ah cagtooda saarin gobolka Gedo.

Fartaag iyo Janan oo gaaray degmooyinka Baledxaawo iyo Doolow ayaa halkaasi ka wada kulamo ay la qaadanayaan masuuliyiinta gobolka Gedo iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Siyaasiyiintan ayaa wararku sheegayaan in halkaasi ka wadaan abaabul ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo deegaanka ah oo gacan ka geesta in Al Shabaab laga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay gobolka Gedo uga dulqaadi lahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab ee dhibaatada iyo go’doominta ku haya sida uu tilmaamay dadka deegaanka .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post