474 Views

Wasiirka Qorsheynta Galmudug “Madaxweyne QoorQoor wuxuu igu yiri kursiga #147 nin baan siiyay”

Wasiirka Qorsheynta Galmudug “Madaxweyne QoorQoor wuxuu igu yiri kursiga #147 nin baan siiyay”
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

Wasiirka qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Cilmi ayaa iska casilay xilkaas, islamarkaasna ka tanaasulay musharaxnimadiisii kursiga tirsigiisu yahay 147, kadib marii wasiirka uu sheegay in kursiga loo xirey qof gaar ah.

Wasiirka ayaa eedeymo kala duwan u jeediyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor , wuxuuna yiri “Madaxweynaha Aragti kama laha cidda uu madaxweynaha Soomaaliya la rabo, Ra’isulwasaarihii deegaanka kasoo jeeday dagaal buu kula jiraa”.

Mudane Cabdinaasir oo sii hadlayay ayaa yiri “Kursiga waxaa laga dhigay mid uu nin jeebka ku wato, waxaana lagu dulmiyay beelihii lahaa kursiga”.

Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu la fariistay madaxweyne Qoor Qoor uu si cad ugu sheegay in kursiga uu qof u balanqaadday, uuna kursiga ku siinayo dariiq kasta, isaga oo sida uu wasiirka sheegay wacad ku maray in waraaqda diiwaangalinta uu ka hor istaagi doono dhammaan musharixiinta kursiga danaynaya.

Kursigan ayaa maanta si rasmi ah uu isugu diiwaangaliyay Xildhibaan Mahad Salaad oo horey ugu fadhiyay.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka Amniga Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa laga celiyay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan xilli uu u safrayay Galmudug si uu isugu diiwaangaliyo kursiga 147.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post